Falanqeynta Kulanka Wolves Vs Chelsea, Blues oo raadineysa dib ugu soo laabashada wadada guusha

Kooxda chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Wolves kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkii 13-aad ee horyaalka kana dhici doona garoonka Molineux Stadium.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Everton sabtidii.

Dhanka kale Wolves ayaa wakhti adag ku jirta iyaga oo guuldaro la kulmay kulamadii ugu dambeyay waliba doonaya in ay ku soo laabato wadada guulaha.

Dhacdooyinka Kulanka

Tan iyo markii ay ku soo laabteen Premier League sanadkii 2018, Wolves ayaa badisay 6 ka mid ah 8-dii kulan ee ay ku ciyaartay garoonkeeda maalmaha Salaasada, Arbacada Iyo Khamiista oo ay ku jirto guushii 2-1 ee ay ka gaadhay Chelsea bishii December 2018.

Wolves ayaa dooneysa inay ka fogaato seddex guuldarro oo isku xigta oo Premier League ah markii ugu horeysay tan iyo bishii November 2018, halka Chelsea guuldaro kala kulantay Everton Sabtdii markii ugu dambaysay ee ay chelsea laba guuldaro oo xidhiidh ah kala kulantay premier League ay ahayd bishii December 2019.

Chelsea ayaa kaliya ku guuldareysatay inay shabaqa soo taabato mid ka mid ah 17kii kulan ee ugu danbeysay ee ay wajahdo kooxda Wolves, iyagoo sidaas sameeyay kulankii ay guuldarada 1-0 ka soo gaartay Molineux bishii January 2011.

Tammy Abraham ayaa dhaliyay lix gool afartiisii ​​kulan ee uu ka horyimid Wolves, isagoo seddexleey dhaliyay kulankii ay Chelsea 5-2 kaga badisay xilli ciyaareedkii hore.

Kulanka: Wolves Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 9:00

Garoonka: Molineux Stadium

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*