Home Falanqeynta Kulamada Falanqaynta Kulanka Manchester City Vs West Ham United ee Premier League

Falanqaynta Kulanka Manchester City Vs West Ham United ee Premier League

0

Manchester City ayaa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa kooxda West Ham Horyaalka Premier League, Etihad Stadium.

Manchester City Vs West Ham United

Tartanka Premier League

Saacada 15:30 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Etihad Stadium

Man City:- Nathan Ake ayaa weli ah ciyaaryahanka kaliya ee ka maqan Manchester City, halka kooxda aysan qabin dhaawacyo kale oo cusub. Cayaartoy fara badan oo ay ka mid yihiin Kevin de Bruyne iyo John Stones ayaa la nasasiiyay kulankii wareega 16-ka ee UCL, taasoo ka dhigan inay ku bilaaban karaan dhamaadka usbuuca.

West Ham United:- West Ham waxaa ka maqnaan doona Angelo Ogbonna kulanka Manchester City. Craig Dawson waa inuu sii wadaa daafaca dhexe maqnaanshihiisa.

Andriy Yarmolenko iyo Arthur Masuaku waa magacyo kale oo kujira qolka daaweynta.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Manchester City ayaa badisay 58 kulan oo ay ka badisay West Ham. Kuwii dambe waxay guuleysteen 37 guul, halka kaliya 18 kulan oo udhaxeeyay labadooda ay kusoo dhamaadeen barbaro.

Kooxda martida loo yahay ayaa badisay 10 ka mid ah 11kii kulan ee ugu dambeysay oo ay gurigooda kula ciyaareen Irons.

Manchester City wax guul daro ah lama kulmin 17kii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, waxaa laga dhaliyay kaliya afar gool.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here