Falaqeynta Kulanka Adag Liverpool Vs Real Madrid ee UEFA Champions League

Liverpool ayaa isku dayi doonta inay iska keento laba gool oo laga dhaliyay marka ay martigeliso Real Madrid lugta labaad ee wareega 8da UEFA Champions League.

Liverpool Vs Real Madrid

Tartanka UEFA Champions League

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Anfield

Liverpool

Liverpool ayaa wali waxaa ka sii maqnaan doona daafacyadeeda dhexe ee waaweyn Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip. Jordan Henderson ayaa sidoo kale ku seegaya dhaawac. Goolhayaha dooqa labaad ee kooxda Liverpool Caoimhin Kelleher ayaa shaki uu ku jiraa ka dib markii uu dhaawac caloosha ah soo gaaray todobaadyo ka hor.

Curtis Jones iyo Divock Origi labadoodaba shaki ayaa jira sidoo kale.

Dhaawacyada: Virgil van Dijk, Joe Gomez, Joel Matip, Jordan Henderson

Shaki: Caoimhin Kelleher, Curtis Jones, Divock Origi

Real Madrid

Waxaa la soo wariyay in Eden Hazard ay u badan tahay inuu seego mar kale madaama uu weli ka soo kabsanayo dhaawac muruqa ah. Dani Carvajal waa la qiimeyn doonaa ciyaarta ka hor laakiin waxay u badan tahay inuusan diyaar aheyn.

Lucas Vazquez ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo ka dib markii uu ka murgacday jilibka lugtiisa hore ee El Clasico. Ragooda ugu muhiimsan daafaca – Sergio Ramos iyo Raphael Varane – labaduba waa dhaawac.

Dhaawacyada: Sergio Ramos, Raphael Varane, Lucas Vazquez

Shaki: Dani Carvajal, Eden Hazard

Shaxda Rasmiga ee labada koox

Liverpool (4-3-3): Alisson Becker; Andrew Robertson, Ozan Kabak, Nathaniel Phillips, Trent Alexander-Arnold; Fabinho, Georginio Wijnaldum, Thiago Alcantara; Sadio Mane, Diogo Jota, Maxamed Saalax

Real Madrid (4-3-3): Thibaut Courtois; Ferland Mendy, Nacho, Raphael Varane, Alvaro Odriozola; Casemiro, Luka Modric, Toni Kroos; Marco Asensio, Vinicius Junior, Karim Benzema

Xaqiiqooyinka Labada Koox
Liverpool iyo Real Madrid waxay isku dheceen toddobo jeer ilaa iyo maanta. 
Real Madrid ayaa badisay afar kulan halka Liverpool ay badisay seddex jeer. 
Markii ugu dambeysay ee ay labadan koox kulmaan waxay ahayd usbuucii hore markii Real Madrid 3-1 ku adkaatay ciyaarta.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*