Home Falanqeynta Kulamada Falaqeynta Kulanka Barcelona Vs Athletic Bilbao ee Horyaalka La-liga Dalka Spain

Falaqeynta Kulanka Barcelona Vs Athletic Bilbao ee Horyaalka La-liga Dalka Spain

0

Kooxda Barclena ayaa soo dhaweeneysa kooxda Athletic Bilbao kulan ka tirsan Horyaalka Spain ee la liga iyagoo raadinaya guushooda shanaad oo xiriir ah.

Kulanka Barcelona Vs Athletic Bilbao

Tartanka La-Liga

Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Camp Nou

Lionel Messi ayaa diyaar u ah inuu ciyaaro kulamada horyaalka mar kale ganaax ka dib waana inuu ku soo bilowdaa afka hore ee kooxda martida loo yahay.

Sergio Busquets ayaa ganaax ku maqan, si kastaba ha ahaatee, iyadoo Miralem Pjanic la filayo inuu qadka dhexe ka xoojiyo maqnaanshihiisa garoonka Camp Nou.

Sergino Dest ayaa laga saaray taam ahaanshihiisa ka dib dhibaato muruqa ah todobaadkan waana inuu ka ciyaaraa daafaca midig.

Dhacdooyinka Dhexd-maray labada Kooxood

Barcelona ayaa badisay kaliya labo ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Athletic tartamada oo dhan waxaa laga badiyay kulankoodii ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen 2-3 finalka Spanish Supercup Janaayo 17th.

Dhanka LaLiga, Athletic ayaa kaliya uruurisay hal dhibic mid ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda Camp Nou (D1 L15), 1-1 bishii Sebtember 2018, markii ugu dambeysay oo ay ku guuleysato garoonkan bishii Nofeembar 2001, 2-1.

Barcelona ayaa ka fogaatay guuldaradii 17-kii kulan ee ugu dambeeyay ee LaLiga ee ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxaha Basque tan iyo guuldaradii 1-2 ee ka soo gaadhay Alavés bishii September 2016.

Barcelona ayaa kaliya heshay 37 dhibcood kadib 19-kii kulan ee ugu horeeyay ee LaLiga 2020/21 (W11 D4 L4), waana dhibcihii ugu yaraa ee marxaladaan xilli ciyaareedkan tan iyo 2003/04 (27).

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here