Falaqeynta Kulanka Borussia Dortmund Vs Manchester City ee UEFA Champions League

Borussia Dortmund ayaa martigelin doonta Manchester City lugta labaad ee wareega 8da UEFA Champions League, Kooxda Pep Guardiola ayaa 2-1 ku hogaamin doonta Signal Iduna Park waxayna ku kalsoonaan doontaa rajada kooxdiisa ee u soo bixitaanka semi-finalka tartanka.

Borussia Dortmund Vs Manchester City

Tartanka UEFA Champions League

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Signal Iduna Park

Borussia Dortmund

Edin Terzic ayaa ka murugeysan taam ahaanshaha Marco Reus , ka dib markii xiddiga Jarmalka uu dhaawac ka soo gaaray qeybtii labaad ee kulankii Stuttgart. Daafaca Jarmalka Mats Hummels ayaa la xanuunsaday calool xanuun intii lagu jiray ciyaartaas, laakiin waxa uu wajihi karaa Manchester City.

Jadon Sancho iyo Axel Witsel ayaan wali dhaawac ka soo kabsan, halka Dan-Axel Zagadou iyo Youssoufa Moukoko ay labaduba garoomada ka maqnaan doonaan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Dhaawac: Jadon Sancho, Axel Witsel, Dan-Axel Zagadou, Youssoufa Moukoko

Shaki: Marco Reus

Manchester City

Aymeric Laporte iyo Sergio Aguero labadoodaba dhaawacyo fudud ayaa soo gaaray shaki ayaana ku jira kulanka Arbacada.

Taas ka sokow, Pep Guardiola wuxuu heli doonaa koox buuxda oo uu soo xusho kulanka Dortmund.

Shaki: Aymeric Laporte, Sergio Aguero

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Borussia Dortmund (4-3-3): Marwin Hitz; Raphael Guerreiro, Mats Hummels, Manuel Akanji, Mateu Morey; Thomas Delaney, Maxamuud Dahoud, Jude Bellingham; Ansgar Knauff, Giovanni Reyna, Erling Haaland

Manchester City (4-3-3): Ederson; Joao Cancelo, John Stones, Ruben Dias, Kyle Walker; Rodri, Ilkay Gundogan, Kevin De Bruyne; Phil Foden, Riyadh Mahrez, Gabriel Jesus.

Xaqiiqooyinka Labada Koox dhexmaray

Borussia Dortmund ayaan waligeed guuldarro ka soo gaarin Manchester City kulan tartan ka hor lugtii hore, iyagoo badiyay mid ka mid ah labadii kulan ee ay ku kulmeen wareega group-yada Champions League 2012.

Si kastaba ha noqotee, sida lagu arkay guushii 2-1 ee usbuucii hore, kooxda Pep Guardiola waxay umuuqataa inay ka tayo badan tahay tan Edin Terzic.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*