Falaqeynta Kulanka Southampton vs Man United, Red Devils oo guul muhiim ah dooneysa

Manchestert United ayaa rajaynaysa inay sii waddan doonto guulaha xidhiidhka ah ee ay kulamadii ugu dambeeyey soo hoynaysay marka ay maanta u tagto Southampton.

Red Devils ayaa u safartay St Mary’s kaddib saddex ciyaarood oo xidhiidh ah oo dhamaan tartamada ah oo ay soo guuleysatay, laakiin waxay ogyihiin in Southampton ay tahay koox adag oo dhamaan lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey aan dhinaceeda dhulka la dhigin.

Southampton oo ku jirta kaalinta shanaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, waxay afar dhibcood ka sarraysaa Manchester United inkasta oo ay hal ciyaar dheer tahay.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kasoo baxay cadaadiskii iyo dhibaatadii uu ku jiray ee xataa ku dhowaatay in shaqada laga caydhiyo, waxaanay United dib u heshay qaab ciyaareed wanaagsan oo ay guulaha ku gaadhi karayaan, iyagoo kasoo doogay labadii guul-darro ee iskugu xigay horraantii bishan ee Arsenal iyo Istanbul Basaksehir.

Ink Salaasadii ay 4-1 ku garaaceen Basaksehir oo ay kaga aarsadeen Old Trafford, Manchester United waxay ka caawisay inay hoggaanka usii hayso hormada ay kaga jirto Chakmpions League oo ay kaabiga u saaran tahay inay iska xaadisio wareegga 16-ka, halka PSG iyo RB Leipzig ay u muuqdaan inay booska kaalinta labaad ku dagaallamayaan.

Laba guul-darro ayay hore ugu soo kala xambaariyeen Everton iyo West Brom, waxaana xiddigaha libintooda go’aamiya ahaa Bruno Fernandes oo bandhiggiisa fiican ku darsaday gool-dhalin.

Inay kooxdu dariiqa wanaagsan haysato, waxa caddayn u ah inay durba raadinayso rikoodhkii ugu wanaagsanaa abid ee guulo xidhiidh ah, waxaanay u baahan yihiin inay kulanka maanta iyo mid kale libinta helaan.

Kooxda 20ka koob ee Premier League ku guuleysatay, laba jeer oo kaliya ayay hore ugu soo guuleysatay min afar ciyaarood oo xidhiidh ah, waxaanay ahaayeen xilli-ciyaareedyadii 1913-14 iyo 1985-86.

Laakiin Southampton ayaa iyaduna shaqo fiican qabatay xili ciyaareedkan, waxaanay ay guul-darro la’aan ahaayeen dhamaan lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo ay afar ka mid ah badiyeen, labana barbarro galeen, iyadoo usbuucii hore ay Wolves 1-1 ku kala baxeen.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Southampton vs Manchester United

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 5pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: St Mary’s

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Manchester United waxay qiimayn doontaa ka hor ciyaarta labadeeda difaac ee Aaron Wan-Bissaka iyo Victor Lindelof oo ay dhaawacyo soo gaadheen kulankii ugu dambeeyey, halka Eric Baily iyo Phil Jones ay iyaguna maqan yihiin.

Solskjaer ayaa kualnkan la filayaa in kulankan ay nasiimo siiyo Anthony Martial oo ciyaarihii ugu dambeeyey aan wanaagsanayn, isla markaana uu kusoo beddelo Edinson Cavani.

Paul Pogba ayaa isaguna ku dhibaatoonaya garoomada, iyadoo laga tegay kulamadii ugu dambeeyey, taas oo khadka dhexe kusoo koobtay Scott McTominay, Nemanja Matic, Fred iyo Donny vann de Beek.

Dhinaca kooxda garoonkeeda joogta ee Southampton, waxa wali dhibaato dhaawac qaba Nathan Redmond, balse waxa usoo kabtay Ryan Bertrand iyo James Ward-Prowse.

Danny Ings ayaa wali aan taam noqonin, waxaana safka hore hoggaamin doona Theo Walcott.

Southampton: McCarthy; Walker-Peters, Bednarek, Vestergaard, Bertrand; Armstrong, Ward-Prowse, Romeu, Djenepo; Adams, Walcott

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Tuanzebe, Maguire, Telles; McTominay, Matic; Greenwood, Fernandes, Rashford; Cavani

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*