Falaqeynta Kulanka: Villarreal vs Arsenal ee Semi-finalka UEFA Europa League

Kooxda Arsenal ayaa booqasho ugu tageyso kooxda Villarreal kulan ka tirsan EUFA Europa Leagule Lugtiisa hore ee Semi-finalka oo ka dhicidoona Garoonka Estadio de la Ceramica, Gunners ayaana kulankan ciyaareysa iyadoo ku jirta booska 10aad ee horyaalka Premier league kadib guuldaradii Everton kasoo gaartay.

Villarreal vs Arsenal

Tartanka EUFA Europa Leagule 

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Estadio de la Ceramica

Villarreal: Iyadoo Vicente Iborra uu dhaawacan yahay kulankaan, Manu Trigueros iyo Etienne Capoue ayay tahay inay wax badan ka qabtaan culeyska culus ee kooxda Villarreal khadka dhexe. Pervis Estupinan wuxuu ku tilaabsaday horusocod soo kabashadiisa wuxuuna diyaar u yahay xulashada kulankan.

Dhaawac: Vicente Iborra

Arsenal: Alexandre Lacazette iyo Pierre-Emerick Aubameyang ay labaduba seegayaan kulankaan, Eddie Nketiah ayaa ku qasbanaan doona inuu hoggaamiyo safka Arsenal. David Luiz iyo Kieran Tierney ayaa sidoo kale la dhibtoonaya taam ahaanshahooda mana awoodi doonaan inay qeyb ka ciyaaraan kulankaan.

Dhaawac: Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang, David Luiz, Kieran Tierney

Shaxda Macquulka ee labada Kooxdood

Villarreal XI (4-3-3): Geronimo Rulli; Alfonso Pedraza, Pau Torres, Raul Albiol, Juan Foyth; Etienne Capoue, Manu Trigueros, Dani Parejo; Gerard Moreno, Carlos Bacca, Samuel Chukwueze.

Arsenal XI (4-2-3-1): Bernd Leno; Rob Holding, Granit Xhaka, Pablo Mari, Hector Bellerin; Thomas Partey, Dani Ceballos; Emile Smith Rowe, Bukayo Saka, Nicolas Pepe; Eddie Nketiah

Xaqiiqooyinka dhexmaray laba kooxood

Arsenal ayaa rikoor fiican ka heysata Villarreal, waxaana ay badiyeen labo ka mid ah afartii kulan ee ay ciyaareen labada koox. Villarreal waligeed kama badin Arsenal kulan rasmi ah waxayna dooneysaa inay taariikh sameyso.

Kulankii hore ee labada koox wuxuu ka dhacay UEFA Champions League sanadkii 2009 wuxuuna ku dhamaaday guul 3-0 oo ay Arsenal ku badisay.

 Villarreal ayaa muujisay horumar weyn sanadkii la soo dhaafay waxayna awoodi doontaa inay guuldaro iska ilaaliso kulankan.

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*