Home Horyaalka Ingiriiska Fariinta Amad Diallo ee Taageerayaasha Kooxda Manchester United

Fariinta Amad Diallo ee Taageerayaasha Kooxda Manchester United

0

Amad Diallo ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ugu dambeyn dhameystiro ku biiristiisa kooxda Manchester United toddobaadkan.

Red Devils ayaa ogolaatay heshiis hordhac ah oo ay 18 jirkaan ku keenayaan Old Trafford xagaagii kooxda reer Talyaani ee Atalanta laakiin heshiiska ayaa kaliya la xaqiijiyay oo la dhameystiray maalmihii ugu dambeeyay.

Diallo ayaa yimid xarunta tababarka Manchester United markii ugu horeysay Arbacadii ka dib markii uu u dhaqaaqay, waxaana uu haatan rajeynayaa inuu soo jiito tababaraha Red Devils Ole Gunnar Solskjaer oo uu doonayo inuu ku biiro kooxda koowaad.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Ivory Coast ayaa haatan loo badinayaa inuu la midoobi doono kooxda 23 jirada ee Manchester United ka hor inta aan la siin fursad uu kaga soo dhex muuqan karo kooxda koowaad

Diallo ayaa haatan muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dhameystirka heshiiska uu ugu biirayo Old Trafford mana sugi karo inuu ku soo bilowdo kooxdiisa cusub.

Isaga oo ka hadlaya wareysi uu siiyay shabakada Manchester United , Diallo wuxuu yiri:

Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan ka bilaabo Manchester United. Waa riyo ii rumowday mana sugi karo inaan bilaabo oo aan la ciyaaro kooxda. ”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waxay ahayd wax yar oo lala yaabo bilihii ugu dambeeyay.

“Waxaan rajeyn lahaa inaan la sii ciyaaro Atalanta waqti kale, laakiin ma aysan suuragalin.

“Haatan waan joogaa halkan waana ku faraxsanahay inaan halkaan imaado. Wax badan ayaan ka rajeynayaa waaya-aragnimadayda halkan waxaanan rajeynayaa inaan bilaabo. ”

Dhanka kale, Manchester United ayaa haatan isku diyaarineysa kulanka adag ee Premier League ee ay Liverpool FC kula ciyaarayaan gegada Anfield galabnimada Axadda iyagoo doonaya inay sii wadaan qaab ciyaareedkoodii fiicnaa ee dhowaanahan.

Red Devils ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay soo ciyaareen iyagoo ka dhigaya inay seddex dhibcood ku hayaan hogaanka horyaalka.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here