Home Falanqeynta Kulamada FC Porto oo dubatay Juventus & Borussia Dortmund oo garaacday kooxda Sevilla

FC Porto oo dubatay Juventus & Borussia Dortmund oo garaacday kooxda Sevilla

0

waxaa la ciyaaray Koobka champions league wareegiisa 16-aad iyadoo kooxda FC Porto ay garoonkeeda ku soo dhaweesey kooxda reer Taliyaani ee Juvents.

FC Porto ayaana kulankan waxay 2-1 ku dubatay kooxda Juventus goolasha Porto waxaa ka caawiyay Mehdi Taremi iyo Moussa Marega daqiiqadii 2-aad iyo 46-aad ee ciyaarta halka goolka kaliya ee juventus uu u dhaliyay Federico Chiesa kadib kubad banaanka loo soo dhigay uu dhameestitay.

Juventus ayaana ciyaarta ka dhigi laheyd bar-baro kadib markii uu gool qurux badan ka cunay morata.

Kooxda Juventus ayaana lugta labaad garoonkeeda ku soo dhaweyndoonta kooxda FC Port.

Sevilla 2-3 Borussia Dortmund

Kooxda Sevilla ayaa dhankeeda soo dhaweysay kooxda Borussia dortmund ee reer Germany iyadoo kooxda Sevilla lagu garaacay 2-3.

Goolasha Borussia Dortmund labo kamid ah waxaa u dhaliyay xidiga reer Norway ee Erling Braut Haaland daqiiqadihii 27-aad iyo 43-aad ee ciyaarta iyadoo goolka kale uu dhaliyay Mahmoud Dahoud.

Sevilla oo ku hormartay goolasha kulankan ayaa labadeeda gool waxay ka heshay Suso iyo Luuk de Jong.

Borussia Dortmund ayaana garoonkeeda ku soo dhaweyndoonta kooxda Sevilla 9 bisha March.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here