Home Suuqa Kala iibsiga Federico Chiesa oo ka hadlay dareenkiisa ku aadan ku biirista kooxda Liverpool.

Federico Chiesa oo ka hadlay dareenkiisa ku aadan ku biirista kooxda Liverpool.

0

Xiddiga Federico Chiesa ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan ku biirista kooxda Liverpool.

Xiddiga Federico Chiesa ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Liverpool isaga oo qalinka ku duugaya heshiis 4 sano ah.

Xiddiga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Aad ayaan u faraxsanahay, ma sugi karo inaan noqdo ciyaaryahan cusub oo Liverpool ah. Aniga iyo qoyskayga, aad ayaan u faraxsanahay runtii”.

“Aan u mahadceliyo Juventus iyo taageerayaasha, had iyo jeer waxay ii ahaayeen kuwo gaar ah.”

“Hadda waa waqtigii Liverpool, aad ayaan u faraxsanahay. Ma sugi karo!”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here