Home Suuqa Kala iibsiga Federico Chiesa oo ka hadlay sababtii uu u doortay ku biirista kooxda...

Federico Chiesa oo ka hadlay sababtii uu u doortay ku biirista kooxda Liverpool.

0

Xiddiga cusub ee kooxda Liverpool Federico Chiesa ayaa ka hadlay sababtii uu u doortay ku biirista kooxda Liverpool.

Federico Chiesa ayaa noqday saxiixii 2-aad ee ay samayso kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga Federico Chiesa ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogayo kooxda Liverpool ilaa sanadka 2028.

Federico Chiesa ayaa la waydiiyay sababtii uu u doortay ku biirista Liverpool waxana uu yidhi”Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan noqdo xiddig Liverpool ah”.

“Markii uu Richard Hughes ila soo xidhiiday waxa uu igu yidhi: ma doonaysaa inaad ku biirto Liverpool? Waxaan ku idhi haa isla markiiba sababtoo ah waxaan ogahay taariikhda kooxdan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here