Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Fermin Lopez ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo ilaa 2027 ah.
Marka lagu daro heshiiska cusub, Lopez ayaa sidoo kale la siiyay qiimaha lagu burburin karo 400 milyan euro.
Isagoo ka hadlayay guushii Barcelona , Lopez wuxuu yiri: “Waxaan ka yara walwalsanaa kooxda xafiiltama iyo sida ay ciyaartu tahay, laakiin marka aad garoonka soo gasho waxaad isku daydaa inaad is dejiso oo aad sameyso waxa ugu fiican.
“Aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah waxaan la wadaagay waqtiyo badan La Masia labadaba Ansu, Balde, Gavi.