Fernandes oo ka hadlay Qaabka uu ula dhaqmo Xidigaha Kooxda iyo Carada uu u muujiyay Malacia, iyo Maguire

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Bruno Fernandes ayaa beeniyay inuu dhibaato ku qabo Xidigaha Kooxda.

Fernandes ayaa dhalleeceeyay sheegashada ah in uu aad uga xun yahay xilli ciyaareedkii hore.

Waxa uu u sheegay The Athletic : “Waxay dadku ka yiraahdeen sida aan gacmahayga ugu gacan haatinayo saaxiibadeyda, taasi weligeed ma dhicin, taasi gabi ahaanba waa been.

“Waxaan isticmaali karaa gacmahayga si aan u weydiiyo kubbadda oo aan u sheego wax ku saabsan meesha aan kubadda u dhaqaajiyo. Laakin marnaba ulama hadlo si xun.

“Haa, waan ku qaylin karaa qof haddii uusan kubad baaseynin marka ay tahay inuu sameeyo, ama haddii uusan go’aanka u qaadan sida ugu fiican,.”

Fernandes waxa uu soo qaatay laba tusaale oo ku saabsan wada sheekeysi kulul intii lagu jiray ciyaaraha United. Mid ka mid ah wuxuu la sameeyay daafaca bidix Tyrell Malacia , intii lagu jiray guushii 1-0 ee Leicester horaantii bishaan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*