Fernando Santos oo ka hadlay Cristiano Ronaldo oo ka tagaya Xulka Qarankiisa

Tababaraha xulka qaranka Portugal Fernando Santos ayaa shaaca ka qaaday in uu “wadahadal dhab ah” la yeeshay Cristiano Ronaldo si uu ugu sharaxo sababta uu keydka u dhigay laakiin waxa uu sheegay in Xidiga uusan ku hanjabin.

Wararka ka imanaya Portugal ayaa sheegaya in Ronaldo uu diyaar u ahaa in uu u baxo dalkiisa kadib markii uu ka war helay in uu kursiga kaydka fadhiisan doono kulanka 16-ka ah ee Switzerland.

37-sano jirkaan ayaa soo galay gebagebadii ciyaarta iyadoo Portugal ay iska xaadirisay wareega 8da kadib markii ay 6-1 ku badiyeen.

Santos ayaa daaha ka qaaday inuu u sheegay Ronaldo inuusan ku soo bilaaban doonin maalinta ciyaarta, waxaana uu qirtay in xidigan uusan ku farxin arintan.

Santos ayaa yiri: “Waan wada hadalnay, aad ayayna u xumaan lahayd haddii aanan wada hadalkaas yeelan. Tan iyo markii aan hogaanka qabtay waxaan u baahanahay inaan wada hadalno oo aan xiriir dhow la yeelano ciyaartoyda, taasi waa habkayga.

“Isagu waa kabtanka kooxdeena iyo waxa uu ku matalo kubada cagta Portugal, dadka reer Portugal iyo xulka qaranka, si dabiici ah waxaan u baahday inaan la hadlo isaga.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*