Ferran Torres oo ku dhow inuu u dhaqaaqo Kooxda Barcelona.

Manchester City weeraryahanka Ferran Torres ayaa ku dhow in beeca xorta ugu biiro Barcelona 2022.

La Blaugrana ayaa xiiso guud u qabta xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, waxaana lagu soo waramayaa inuu wakiiladiisa kala hadlay xaflada Ballon d’Or horaantii isbuucaan.

Qandaraaska Torres ee Man City ma dhacayo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2024-25, laakiin waxa lagu xamanayaa inuu mabda’ ahaan heshiis la gaadhay inuu Barcelona ku biiro sannadka dambe.

Haatan, Mundo Deportivo ayaa werrineysa in u wareegidda Catalonia uu ‘soo dhowaanayo’, iyadoo dalabkii ugu dambeeyay ee Barcelona uusan ka fogeyn qiimaha ay City ku qiimeyneyso weeraryahanka.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in Pep Guardiola uusan hor istaagi doonin Torres qiimihiisu waa sax, waxaana laga yaabaa inuu Janaayo baxo.

Torres – oo la filayo inuu dhaawac cagta ah ku sii maqnaan doono ilaa 2022 – ayaa 16 gool iyo afar caawiye ku lahaa 43 kulan oo uu u saftay Man City tartamada oo dhan.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*