FIFA 2022: Waxaa lagu Dhawaaqay 22-ka Ciyaartoy ee ugu Wanaagsan Ciyaar Gacmeedka Play Station-ka oo dhawaan soo baxaya

18 maalmood oo kaliya ayaa ka hadhay waqtiga sida rasmiga ah loosoo bandhigayo ciyaar-gacmeedka FIFA 22 iyo EA Sports, kuwaas oo suuqyada laga heli doono horraanta bisha soo aaddan.

Ciyaar-gacmeedka cusub ee FIFA 22 ayaa iyadoon suuqyada soo gelin oo aanay dadka xiiseeyaa wali helin, waxa lasoo saaray ciyaaryahannada ugu wanaagsan ee bandhigga ugu fiican ka  samaynaya.

Qiimayn la sameeyey ayaa waxa lagu shaaciyey 22-ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan ciyaar gacmeedkan, waxaanakaalinta koowaad ku jira xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo markii ugu horreysay isagoo ku labbisan dharka koox aan ahayn Barcelona kasoo muuqanaya ciyaartan.

Messi oo si bilaash ah ugu wareegay PSG xagaagii tegay, ayaa waxa ciyaar gacmeedkan uu kusoo baxayaa isagoo xidhan No.30 iyo shaadhka kooxda PSG, waxaana  haddaba lasii ogyahay inuu yahay ciyaaartoyga ugu bandhigga fiican oo haysta qiimayn ah 93.

Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horreysay kaalinta koowaad iyo labaad aan midna ku jirin, waxaana  kasoo hormaray weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo ah laacibka labaad  ee ugu qiimaynta  sarreeya ciyaar gacmeedka, waxaanu haystaa 92, halka Cristiano Ronaldo uu kusoo baxay ciyaar-gacmeedkan isagoo xidhan shaadhka Manchester United, waxaana uu ku jiraa  kaalinta  saddexaad iyo qiimayn ah 91.

Afar ciyaartoy ayaa Ronaldo ku haysta kaalinta afraad oo ay wadaagaan qiimaynta 91, waana  Kylian Mbappe, Kevin de Bruyne, Neymar iyo Jan Oblak.

Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk ayay qiimayntoodu hoos u dhacday kaddib xilli ciyaareed liitay oo ay soo qaateen, kaas oo inta badan uu Van Dijk dhaawac ku maqnaa.

Halkan kaga bogo qiimaynta 22-ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan ciyaar-gacmeedka FIFA 22:

1. Lionel Messi – Paris Saint-Germain – Garab midig  – 93

2. Robert Lewandowski – Bayern Munich – Weeraryahan – 92

3. Cristiano Ronaldo – Manchester United – Weeraryahan – 91

4. Kevin De Bruyne – Manchester City – Khadka dhexe – 91

5. Kylian Mbappe – PSG – Weeraryahan – 91

6. Neymar – PSG -Garabka bidix – 91

7. Jan Oblak – Atletico Madrid – Goolhaye – 91

8. Harry Kane – Tottenham Hotspur – Weeraryahan – 90

9. N’Golo Kante – Chelsea – Khadka dhexe – 90

10. Manuel Neuer – Bayern Munich – Goolhaye – 90

11. Marc-Andre Ter Stegen – Barcelona – Goolhaye – 90

12. Mohamed Salah – Liverpool – Garabka midig – 89

13. Gianluigi Donnaruma – PSG – Goolhaye – 89

14. Karim Benzema – Real Madrid – Weeraryahan – 89

15. Virgil van Dijk – Liverpool – Difaac – 89

16. Joshua Kimmich – Bayern Munich – Khadka dhexe – 89

17. Heung-Min Son – Tottenham Hotspur – Garabka bidix – 89

18. Alisson Becker – Liverpool – Goolhaye – 89

19. Thibaut Courtois – Real Madrid – Goolhaye – 89

20. Casemiro – Real Madrid – Khadka dhexe – 89

21. Ederson – Manchester City – Goolhaye – 89

22. Sadio Mane – Liverpool – Garabka bidix – 89

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*