Fikayo Tomori oo ka dalbaday Kooxda Chelsea in uu ka tago Stamford Bridge

Daafaca Chelsea Fikayo Tomori ayaa lagu soo waramayaa inuu dalbaday inuu ka tago Stamford Bridge qaab amaah ah bisha Janaayo.

23 jirkaan daafaca dhexe ka ciyaara ayaa kaliya seddex kulan u ciyaaray kooxda ka dhisan Galbeedka London intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2020-21, halka uu ciyaaray kaliya 44 daqiiqo Premier League xilli ciyaareedkan.

Leeds United iyo Newcastle United ayaa si aad ah loola xiriirinayay inay amaah kula wareegayaan daafaca, si kastaba ha ahaatee, warbixin dhowaan soo baxday ayaa soo jeedisay in dhaawac jilibka ah oo soo gaaray Andreas Christensen ay Blues ay hakin karto bixitaankii Janaayo.

Dhaawaca Christensen ma ahan mid xun sidii markii hore laga baqayay, inkastoo kooxda ka dhisan Galbeedka London, tababaraha Frank Lampard uu shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka reer Denmark uu diyaar u noqon karo kulanka Fulham ee 15ka Janaayo.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, daafaca 23 jirka ah ayaa dalbaday inuu ka tago Stamford Bridge inta lagu jiro suuqa jiilaalka.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*