Fiorentina oo guuldaro 3-0 dhabar u saarisay Kooxda Juventus

Kooxda Fiorentina ayaa guuldarro lama filaan oo 3-0 dhabarka u saarisay kooxda difaacaneysa horyaalka ee Juventus lugtiisa 14-aad xili Juventus uu kulan u harsanyahay.

Fiorentisa ayaana fursad weyn ka heshay Toban ciyaarhan oo Juventus ah kadib Daqiiqadii 18-aad oo kaarka casaanka la siiyay xidiga Juan Cuadrado ciyaar ka dhacday Allianz Stadium.

Kooxda heysata horyaalnimada ayaa 12 kulan guul darro la’aan ku jirtay ka hor kulanka Fiorentina.

Dusan Vlahovic ayaa gool u dhaliyay Fiorentina Daqiiqadii 3-aad iyadoo Juventus ayaa markaas wayday Juan Cuadrado daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta

Kooxda Juventus ma aysan awoodin inay dib u soo laabato, waxaana laga dhaliyay labo gool oo kale  Daqiiqadii 76-aad oo Xidiga Alex Sandro iska dhaliyay gool halka uu Martin Caceres uu shabaqa soo taabtay daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta kadib caawin uu ka helay Cristiano Biraghi.

guul darada gaartay Juventus ayaa ka dhigan in ay gasho booska 4-aad ee horyaalka iyadoo leh 24 dhibcood waxana kulanka xiga ay la ciyaaridoonta kooxda Udinese

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*