Frank Lampard ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in arimo shaqsiyadeed ay dib u dhigeen mustaqbalka Danny Drinkwater ee kooxda Chelsea , isagoo intaa ku daray inuu rajeynayo in ciyaaryahanka khadka dhexe uu uga ciyaaro sida ugu macquulsan kooxda Kasimpasa.
30 jirkaan ayaa laga soo iibsaday Leicester heshiis 35 milyan oo ginni ah ($ 47m) sanadkii 2017, laakiin wuxuu u ciyaaray kaliya 12 kulan oo Premier League ah kooxda Chelsea.
Intaa kadib, wuxuu laba amaah ku soo qaatay kooxaha Burnley iyo Aston Villa wuxuuna kaliya ciyaaray shan jeer oo dheeri ah xilli ciyaareedkii hore. Lixdii bilood ee ugu dambeysay, wuxuu tababar la qaadanayay kooxda 23-jirada ee Chelsea.