Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ku eedeeyay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Everton sabtidii.
Chelsea ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Everton iskana khasaariyay fursad ay hogaanka ugu qaban lahaayeen horyaalka Premier League.
Tababare Klopp ayaa sheegay in ay kooxda chelsea tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League Lampard ayaana sheegay in ay arintaas sabab u ahayd guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Everton.
“Xilli ciyaareedku wuu dheeryahay, dadka sheegaya in ay Chelsea ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka sabab la xidhiidha in ay haystaan xiddigo fiican waa wax lagu qoslo”.
“Marka aad eegto 3 ilaa 4-tii sano ee ugu dambeeyay kooxda ku guulaysata horyaalka waxa ay haystaa xiddigo garabka ka ciyaara oo fiican iyo waliba weeraryahano dhaliya goolal 30 ilaa 40 gool”.