Frenkie de Jong oo Diiday inuu u Dhaqaaqo Manchester United?

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay dhabar jab kala kulantay dadaalkii ay ugu jirtay saxiixaciyaara kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong .

Horaantii usbuucan, waxaa la sheegay in maamulaha soo socda ee United Erik ten Hag uu u aqoonsaday De Jong mid ka mid ah bartilmaameedyadiisa suuqa kala iibsiga.

Si la mid ah labada nin oo hore uga soo wada shaqeeyay Ajax, waxa la isla dhexmarayaa in Barcelona ay u furan tahay inay lacag kaash ah ku hesho xiddiga reer Holland iyadoo Franck Kessie la sheegay inuu kaga soo biirayo AC Milan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Daily Star , De Jong kuma degdegayo inuu ka tago Camp Nou, gaar ahaan koox aan u tartami doonin Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in 25-sano jirkaan uu weli kalsooni ku qabo inuu ugu dambeyntii ka guuleysto Xavi isagoo sii heysta booska joogtada ah ee khadka dhexe ee Barcelona.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay De Jong ku iibisay 64 milyan ginni , waana qiimo lacageed oo la sheegay in United ay ku dooneyso inay ku bixiso marka loo eego arrimaha ka socda bartamaha garoonka.

 

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*