Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Barcelona Frenkie de Jong ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay saaxiibadiis inuu ku biiri karo Manchester United ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
Wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa weli sii socda, iyadoo Man United ay weli ka shaqeyneyso saxiixiisa, halka Chelsea sidoo kale la rumeysan yahay inay ugaarsi ugu jirto saxiixiisa.
De Jong ayaa loo magacaabay kursiga keydka kulankii furitaanka horyaalka La Liga ee Barcelona 2022-2023 habeenkii sabtida, inkastoo la soo geliyay daqiiqadii 60aad ee ciyaarta.
Tababaraha kooxda Catalans Xavi ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu xagaaga ka tagayo xidiga reer Holland markii la waydiiyay war cusub oo ku saabsan xaalada intii lagu jiray shirkii jaraa’id ee dhamaadkii todobaadkii hore.
“ma garanayo waxa dhici doona inta u dhaxaysa hadda iyo 31ka Ogosto, Xavi ayaa u sheegay suxufiyiinta.