
Darwin Nunez ayaa dhaliyay hal gool waxaana uu u dhigay goolka barbaraha Mohamed Salah iyadoo Liverpool labo jeer ay barbaro 2-2 ah la gashay Fulham kulankoodii ugu horeysay ee Premier League xilli ciyaareedkan.
Aleksandar Mitrovic ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Fulham qeybtii hore ee ciyaarta, iyadoo lagu kala nastay goolkaasi qeybta hore.
Darwin Nunez oo beddel kusoo galay beddel kusoo galay ciyaarta ayaa u keenay goolka barbarraha daqiiqaddii 64aad, kaddib markii uu cidhib ku dhamaystiray kubbad uu dhinaca midig ka keenay Mohamed Salah.
Fulham oo ay ciyaarteedu isku xidhnayd, isla markaana khadka dhexe ka qabsatay Liverpool ayaa keensatay gool labaad oo rikoodhe ahaa oo uu u dhaliyey Aleksandar Mitrovic daqiiqaddii 72aad,
Xidiga Mohamed Salah ayaa sagaal daqiiqadood kaddib ka daba yimid oo keenay goolka Liverpool u badbaadiyey dhibicda madiga ah ee ay kulankooda koowaad ee xilli ciyaareedka ka heleen.
Shaxda kulankan
Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Van Dijk, Matip, Robertson, Fabinho, Thiago, Henderson, Salah, Diaz, Firmino.
Kaydka: Adrian, Gomez, Milner, Elliott, Nunez, Carvalho, Bajcetic, Van den Berg, Chambers.
Fulham XI: Rodak, Tete, Ream, Adarabioyo, Robinson, Reed, Palhinha, Pereira, De Cordova-Reid, Kebano, Mitrovic.
Kaydka: Leno, Duffy, Cairney, Solomon, Muniz, Mbabu, Francois, Harris, Stansfield.
Be the first to comment