Home Wararka Ciyaaraha Gabriel Jesus Oo Magacaabay Shan Kooxood Oo Arsenal Kula Tartamaya Horyaalka Premier...

Gabriel Jesus Oo Magacaabay Shan Kooxood Oo Arsenal Kula Tartamaya Horyaalka Premier League

0

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Gabriel Jesus ayaa iska indho tiray Tottenham Hotspur, kana saaray liiska kooxaha ku tartamaya horyaalka Premier League, isaga oo dhinaca kalena magacaabay shan kooxood oo Arsenal ay caqabad kala kulmayso oo ku haysta horyaalka.

Gabriel Jesus oo ka mid ah ciyaartoyda xulka qaranka Brazil ee isku diyaarinaya Koobka Adduunka, ayaa ka caawiyey Arsenal inay ku negaato hoggaanka hroyaalka Premier League oo ay shan dhibcood ka sarrayso Manchester City oo kusoo xigta, waxaana 14 ciyaarood oo ay dheeleen ay guuleysteen 12 ka mid ah.

Waraysi uu bixiyey Gabriel Jesus ayaa lagu weydiiyey kooxaha kula tartamaya horyaalka, waxaana uu meesha ka saaray Tottenham, hase yeeshee waxa uu sidoo kale xusay shan kooxood oo kale oo qaarkood ay dhibco badan ka horreeyaan.

“Waynu ognahay Manchester City, wayna iska caddahay inay nala tartamayaan, aniguna aqoon badan ayaan u leeyahay dadka halkaa jooga, laakiin waa in aanu shaqadayada qabsano.” Ayuu Gabriel Jesus ku bilaabay hadalkiisa.

Waxa uu kusii daray: “Waynu ognahay in Premier League aanu fududayn, waa horyaalka ugu adag adduunyada. Kaliya ma aha Man City, balse sidoo kale Liverpool, Manchester United iyo Chelsea ayaa ku tartamaya. Maxaanu samayn karnaa? Waa in aanu anagu diiradda isasaarno.”

Previous articleTababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola oo Maxkamad looga yeeray
Next articleBarcelona oo isha ku haysa inay u dhaqaaqdo Saxiixa Saxiibka Lionel Messi ee Xulka Argentina

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here