Weeraryahanka Arsenal Gabriel Jesus ayaa si halis ugu jira in uu seego kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Liverpool kadib fasaxa xulalka.
Xiddiga Gabriel Jesus ayaa hal kaadh u jira in dusha laga saaro ganaax hal kulan ah premier League ka hor kulanka Tottenham ee horyaalka premier League.
Arsenal ayaa la ciyaari doonta Tottenham kulanka ugu horeeya ee kadib fasaxa xulalka, hadii uu kaadhka digniinta qaato kulankaas waxa uu seegi doonaa kulanka Liverpool.
Gabriel Jesus ayaa ku qasbanan doona in uu si weyn isku ilaaliyo kulanka North London Derby hadii uu doonayo in uuna seegin kulanka Liverpool.
Jesus ayaa si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo 4 gool u dhaliyay kooxdiisa 6-dii kulan ee ay ilaa haatan ciyaartay premier League.
Laakiin Xiddiga ayaa halis ugu jira in uu seego kulanka Liverpool hadii uu xiddigu kaadhka digniinta qaato kulanka Tottenham ee kadib fasaxa xulalka