Gabriel Jesus ayaa ahaa geesiga seddexleeyda Arsenal kaga badisay Crystal Palace habeenkii Arbacada, waxaana ay timid ka dib fariin fudud oo uu u diray Martin Odegaard.
Xiddiga reer Brazil ayaa ku dhibaatooday xilli ciyaareedkan isaga oo aan dhalin wax gool ah premier League laakiin waxa uu ku bilowday kulankii Carabao cup-ka.
Arsenal ayaa looga hor maray gool qaybtii hore waxana ay Arsenal badal ku soo galisay Odegaard oo caawiyay 2 ka kid ah 3-dii gool ee uu Jesus dhaliyay.
Weeraryahankii hore ee Manchester City ayaa u sheegay Odegaard waxa ay tahay in uu sameeyo markii uu badalka ku soo galay qorshihii ayaana shaqeeyay.
“Waxa aan u sheegay Odegaard ‘Martin wayn ogahay tayadaada sidaas darteed waxa aan ordi doonaa halka dambe ee daafaca sidaas darteed wad iga heli doontaa halkaas’kadib waxa uu ciyaaray kubado cajiib ah”.