Garabka Arsenal Gabriel Martinelli ayaa dhabarka u jeediyay kooxda Barcelona kadib markii ay kooxdu xiiso u muujisay saxiixiisa si ay ugu xoojiso kooxdeeda suuqa soo socda.
Wargeyska Express ayaa sheegay in Barcelona ay Martinelli ka dhigtay bartilmaameedyada ay doonayso in ay ku xoojiso kooxda kadib markii uu xiddiga reer Brazil qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.
Maamulka Barcelona ayaa xitaa wadahadalo la yeeshay wakiilada xiddiga si ay ugu qanciyaan in uu ku biiro kooxda ku ciyaarta Camp Nou.
Laakiin xiddiga reer Brazi ayaa go’aansaday in uu iska diido Barcelona isla markaas doonayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG.
Wargayska ayaa tilmaamay in Martinelli uu doonayo in uu sii Joogo Gunners isla markaas meesha ka saaray suurtagalnimo kasta oo uu uga tagi karo kooxda suuqa soo socda.
Garabka bidix, oo 21 jir ah, ayaa kooxda Arsenal kula jira heshiis ilaa xagaaga 2024 waxana uu doonayaa in uu sii joogo kooxda.
Martinelli ayaa Arsenal u ciyaaray 14 kulan premier League xilli ciyaareedkan waxana uu ku lug lahaa 7 gool isaga oo dhaliyay 5 gool 2 kalena caawiye ka noqday.