Bayer Leverkusen ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto garabka Chelsea Callum Hudson-Odoi .
Hudson-Odoi ayaa diyaar u ah inuu heshiis amaah ah ugu biiro Chelsea , waxaana lagu wadaa inuu u duulo Jarmalka si uu qalinka ugu duugo heshiis hal xilli ciyaareed ah, Daily Mail .
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ku dhibtooday muddo daqiiqado ah intii uu hogaaminayay tababare Thomas Tuchel .
Xilli ciyaareedkii hore, waxa uu arkay waqtigiisa ciyaaraha oo ku kooban 28 kulan isagoo la dhibtoonaya dhaawacyo.
Hudson-Odoi ayaa helay dalabyo badan, laakiin waxa uu doonayaa in uu isku tijaabiyo Jarmalka.