Garabka weerar ee kooxda Juventus ee Angel Di Maria oo kor uga gudbay liiska tobbanka xiddig ee ugu gool caawimada badan Champions League

Garabka weerar ee kooxda Juventus ee Angel Di Maria ayaa kor uga gudbay liiska tobbanka xiddig ee ugu gool caawimada badan Champions League.

Angel ayaa habeen hore kooxdiisa Juventus ka caawiyay guul muhiim ah oo ay ka gaadhay Maccabi Haifa isaga oo caawiyay dhammaan saddexdii gool ee ay dhaliyeen ciyaartaas.

Taas ayaa Di Maria ka caawisay inuu dhaafo caawimooyinka Champions League ee kabtankiisa Argentina ee Lionel Messi oo 37 caawimo ku leh tartankaas isaga oo gaadhay Di Maria 38 caawimo.

34 sano jirkii hore ee PSG ayaa wali booska labaad jooga isaga oo haatan wixii ka dambeeya hiigsan doona Cristiano Ronaldo oo ah ciyaaryahanka ugu caawimada badan taariikhda tartanka sida uu u yahay midka ugu goolasha badan isaga oo 42 caawimo leh walow uu sanadkan ka maqan yahay.

Booska afraad ee Messi kaddib ayuu joogaa saaxiibkiisa Paris Saint-Germain ee Neymar oo 32 gool caawimo kasoo sameeyay CL halka uu shanta sarre dhammaystirayo halyeeyga Man United ee Ryan Giggs oo 31 leh.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*