Gareth Barry ayaa ku booriyay Jack Grealish inuu doorto Man City halkii uu aadi lahaa Man United

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Manchester City Gareth Barry ayaa rajeynaya in Jack Grealish uu maalin ka hoos shaqeyn doono tababaraha Pep Guardiola garoonka Etihad Stadium.

Kabtanka Aston Villa ayaa door muhiim ah ka qaatay in kooxdiisu ay hogaamiso lixda koox ee ugu sareysa xilli ciyaareedkan lix gool iyo 11 caawin xilli ciyaareedkii 2020-21 Premier League.

Grealish ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United xagaagii ka hor inta uusan mustaqbalkiisa u hibeynin Villa, laakiin Barry ayaa qirtay inuu rajeynayo inuu arko ciyaaryahanka reer England oo ka dooranaya City kooxda Red Devils hadii uu doonayo daaq cusub.

Isagoo la hadlayey talkSPORT , Barry wuxuu yiri “Waxaan jeclaan lahaa inaan arko isagoo ka hoos shaqeeya qof sida Guardiola oo kale ah. Maamulahaas ayaa ka caawin kara inuu wax badan ka barto ciyaarta, horumar badanna sameeyo. Waxaan aadi lahaa Manchester City haddii aad iga dhigto mid aan doorto.”

Grealish wuxuu qalinka ku duugay Villa Park heshiis cusub ilaa 2025 xagaagii hore, kooxda waxay haatan ku jirtaa kaalinta 9aad ee kala sarreynta Premier League – hal dhibic ayey ka hooseysaa kooxda kaalinta lixaad ee Tottenham Hotspur.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*