Tababarihii hore ee xulka qaranka England, Gareth Southgate, ayaa ku dhawaaqay Mawqifkiisa ku aadan in uu tababare u noqdo kooxda Man United wakhtiga soo socda.
Magaca Southgate ayaa lala xiriiriyay inuu tababare u noqdo kooxda Red Devils iyada oo uu shaki ku jiro mustaqbalka Erik Ten Hag kadib natiijooyinkii xumaa ee kooxda.
Sidaas darteed, waxaa jira liiska musharixiinta ugu cad-cad in uu hogaamiyo kooxda Man United waxana ka mid ah Thomas Tuchel iyo Gareth South Gate.
“Ma noqon doono tababare 12-ka bilood ee soo socda, dabcan, waan hubaa inay taasi dhici doonto,” Southgate ayaa u sheegay Sky Sports.
Wuxuu ku daray: “Waxaan u baahanahay inaan naftayda siiyo waqti aan ku gaaro go’aanno wanaagsan, marka aad ka tagto shaqo weyn sida tababarka xulka qaranka England, waxaad u baahan tahay inaad siiso waqti aad jidhkaaga ku nasiso”.
Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Waa inaan maskaxdayda siiyaa waqti aan maskax ahaan ku nasto in muddo ah ka dibna ka fekero tallaabada xigta.”