Gareth Southgate oo Xaqiijiyay Xidig ka tirsan Manchester United oo Dhaawac ah

Photo/Skysport

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa xaqiijiyay in uu Kabtanka Man United ee Harry Maguire ku dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay ee xulka England.

Xiddiga Maguire ayaa dhamaystay kulankii uu xulka England bar-baraha 3/3 ah la galay xulka Germany kulan ka tirsanaa kulankii ugu dambeeyay ee labada xul ka hor koobka adduunka.

Gareth Southgate ayaa xaqiijiyay in uu Harry Maguire ku dhaawacmay daqiqiadihii ugu dambeeyay ee kulankii Germany laakiin uu xiddigu go’aansaday in uu sii wado ciyaarta.

“Harry waxa uu dareemay dhaawac daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta”ayuu tababarhaa England yidhi.

“Laakiin waxa uu go’aansaday in uu sii wato ciyaarta maadama ay dhamaan ku dhawayd ciyaartu”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*