Garry Neville oo Sheegay inay jirto hal koox oo kaliya oo awood u leh in ay horyaalka Premier League kula tartanto Manchester City iyo Liverpool

Halyeyga Manchester United ee Garry Neville ayaa rumaysan inay jirto hal koox oo kaliya oo awood u leh in ay horyaalka Premier League kula tartanto Manchester City iyo Liverpool xilli ciyaareedka 2022-23 oo Jimcaha berri bilaabmaya, laguna furayo naadiyada reer London ee Arsenal iyo Crystal Palace.

City iyo Liverpool ayaa shantii sannadood ee ugu dambeeyey ku xafiiltamayay horyaalka Premier League oo ay ahaayeen kuwa isku eryanaya, hase yeeshee xilli ciyaareedkii tegay ayay hal dhibic oo kaliya kooxda  tababare Pep Guardiola kaga qaadday koobka Liverpool.

Isbeddel badan lagama filayo kaalmaha sare ee horyaalka Premier League, waxaana loo badinayaa in uu wali tartanku ahaan doono mid u dhexeeya Man City iyo Liverpool, hase yeeshee waxa aan nasan doonin naadiyada saxeexyada badan sameeyey ee Tottenham, Chelsea iyo Arsenal.

Gary Neville ayaa meesha ka saaray Manchester United oo inkasta oo uu yimid tababare cusub, sidoo kalena ay saxeexyo cusub sameeyeen, haddana uu sheegay in aanay gaadhsiisnayn heer ay horyaalka hungurayn karto, sidaas oo kalena waxa uu quus ka dhigay Chelsea iyo Arsenal, halka uu ka farxiyey Tottenham oo uu tibaaxay inay la tartami karayso Liverpool iyo Man City.

“Waxay la saxeexdeen Ivan Perisic, waana saxeex aad u wanaagsan. Waxa maskaxdaydu ii sheegaysaa in Tottenham Hotspur ay ku dhamaysan doonto saddexaad, sababtoo ah Perisic, Yves Bissouma iyo Richarlison ayay kusoo kordhiyeen safkooda.” Ayuu yidhi Gary Neville.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxay hore u haysteen Harry Kane, Heung-min Son oo heer caalami ah. Waa laba ciyaartoy oo aad u sarreeya, waxaana hadda lagu soo daray Perisic iyo Richarlison.

“Waxay ila tahay, in Tottenham ay tahay kooxda kaliya ee horyaalka kula tartami karaysa City iyo Liverpool. Ma awoodi karaan inay ka sarreeyaan Liverpool, laakiin haddii Liverpool uu ka dhaawacmo Virgil van Dijk, Tottenham waxay awoodi doontaa in ay kula tartanto inay ka sarrayso.”

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*