Garsooraha Premier League David Coote ayaa shaqada laga joojiyay iyadoo la sugayo baadhitaan buuxa oo uu sameeyo xidhiidhka garsoorayaasha ee (PGMOL).
Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii baraha bulshada lagu arkay muuqaal uu garsoore David Coote ku af-lagaadaynayo kooxda Liverpool iyo tababareheedii hore ee Jurgen Klopp.
Maadama aan wali la hubin in Muuqaalku yahay mid sax ah oo aan lagu samayn apps gaar ah waxa aan shaqada laga joojiyay garsooraha.
Hadii muuqaalku noqdo mid run ah waxa si Buuxda shaqada looga joojinayaa Garsoore Coote.
Garsoore Coote ayaa garsoore ka ahaa kulankii ugu dambeeyay ee ay Liverpool ka badisay Aston Villa kulan ka tirsanaa premier League.