Garsoorihii Hore Ee Premier League ee Peter Walton Oo Faahfaahiyey Sababtii Layaabka Lahayd Ee Loo Fasaxay Goolkii Japan

Muran ayaa ka dhashay goolkii labaad ee xulka qaranka Japan uu ka dhaliyey Spain oo ay 2-1 kaga badiyeen, isla
markanaana kalinta koowaad kaga soo baxeen group-kooda, halka Spain ay labaad ku dhamaysatay.

Goolkan ayaa sabab u noqday in xulka qaranka Germany uu ka hadho Koobka Adduunka, waana sannadkii labaad ee
xidhiidh ah ee ay wareegga group-yada kaga baxaan Koobka Adduunka.

Kubad laynka ka gudubtay oo garoonka kasii baxaysay ayuu Kaoru Mitoma dib usoo celiyey, waxaana goolka ku
leexiyey Ao Tanaka oo madax ku qabtay. Garsooraha ciyaarta ayaa markii hore diiday goolkaas oo sheegay in
kubaddu ay baxday, waxaase kasoo daba hadlay VAR oo u sheegay inuu yahay gool sax ah, sidaana ku ansixiyey
goolka.

FIFA ayaa xalayba sharraxaad ka bixisay sababta goolka loo ogolaaday, sidoo kalena VAR ayaa ku doodday in kubaddu ay hal milimitir kula jirtay laynka oo aanay ka wada bixin garoonka, sidaas darteedna uu sharcigu dhigayo in kubaddaasi ku jirto garoonka.

Garsoorihii hore ee horyaalka Premier League ee Peter Walton ayaa isaguna ka hadlay sababta keentay in goolkaas
la ansixiyo, waxaanu yidhi: “Waxa aan ka arkayaa isla dhinaca aad idinka ka aragteen, waxa jirta fasiraad dhinaca
sharciga ah oo sheegaysa, in haddii ay wali qayb ka mid ah kubaddu dul saaran tahay laynka, in waliay ciyaartu
socoto.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*