Home Warar Ciyaaraha Maanta Gary Lineker, Alan Shearer iyo Micah Richards ay dhamaantood isku raaceen cida...

Gary Lineker, Alan Shearer iyo Micah Richards ay dhamaantood isku raaceen cida ku guulaysanaysa Ballon d’Or 2024

0

Xiddigaha u sharaxan abaal marinta Ballon d’Or 2024 ayaa la shaaciyay waxaana Gary Lineker, Alan Shearer iyo Micah Richards ay dhamaantood isku raaceen cida ku guulaysanaysa.

30-ka ciyaaryahan ee u sharaxan abaal marinta shaqsiga ugu sareysa kubada cagta aduunka gaar ahaan waxaa ku jira lix xiddig oo England ah ka dib markii ay u soo baxeen finalka Euro 2024.

Bukayo Saka, Declan Rice, Cole Palmer, Harry Kane iyo Phil Foden ayaa dhamaantood soo maray xilli ciyaareed cajiib ah, laakiin Jude Bellingham ayaa ah xiddiga ugu cad-cad ee y dashay dalka England kadib qaab ciyaareedkii cajiibka aha ee Real Madrid.

Saaxiibadiisa Real Vinicius Junior iyo Dani Carvajal ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha ugu cad cad ee ku guuleysan kara Ballon d’Or ka dib markii ay ku guuleysteen La Liga iyo Champions League.

Laakiin indhaha saddexda khabiir waxaa jira hal guulayste waxana ay 3-doodu isku raaceen in xiddiga Man City ee Rodri u qalmo abaalmarinta.

“Waxaa jira hal ciyaaryahan oo ku guuleysanaya,” Halyeeyga Premier League Shearer ayaa yiri.

“Waxay noqon kartaa isaga oo kaliya. Waxaan qabaa inuu guuleysto oo uu ku guuleysan doono”.

Halyeeyga England Gary Lineker ayaa hadalkiisa sii raaciyay”Waxaan qabaa in Rodri uu u qalmo. Sida iska cad, kuma aysan guuleysan Champions League ee City laakiin waxay ku guuleysteen Premier League iyo ka dib Euro-ga Spain halkaasoo uu si weyn u hogaaminayey”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here