Home Warka Xiisaha Leh Gary Neville iyo Jamie Carragher oo xushay shaxaha ay u arkaan kuwii...

Gary Neville iyo Jamie Carragher oo xushay shaxaha ay u arkaan kuwii ugu fiicnaa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan

0
Ad

Daafacyadii hore ee kooxaha Manchester United iyo Liverpool ee Gary Neville iyo Jamie Carragher ayaa xushay shaxaha ay u arkaan kuwii ugu fiicnaa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan dhammaadka ah ee 2022-23.

Aan ku bilawnee Carragher ayaa booska goolhayaha u xushay Alisson Becker oo muhiim u ahaa kooxdiisii hore ee Liverpool halka uu labada daafac dhexe ka dhigay Dias iyo Botman oo daafaca Man City iyo Newcastle furayaal u ahaa.

Ad

Daafaca midig ee shaxda Carra ayaa ah Trippier oo si weyn u caawiyay Newcastle halka daafaca bidix yahay Zinchenko oo wax ka bedelay Arsenal.

Jamie ayaa saddexleydiisa khadka dhexe ka dhigay burburiyaha iyo kubad sameeyaha Man City ee Rodrigo iyo Kevin De Bruyne oo lagu daray maskaxda ahna kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard oo xilli ciyaareed wanaagsan qaatay.

Carragher ayaa saddexdiisa weeraryahan u doortay Mohamed Salah oo markale ka dhex iftiimayay kooxdiisii Liverpool, Haaland oo dhammaan rekoodhadii Premier League cagta mariyay iyo Harry Kane oo 28 gool usoo dhaliyay Tottenham horyaalka.

Gary Neville ayaa isagu goolhayaha u xushay Nick Pope oo Newcastle muhiim u ahaa ahna goolhayaha goolasha ugu yar laga dhaliyay xilli ciyaareedka halka labadiisa daafac dhexe yihiin William Saliba iyo Ruben Dias oo muhiim u ahaa kooxaha horyaalka ku tartamayay ee Arsenal iyo Man City.

Daafaca midig ee Neville ayaa ah Trippier oo daafac iyo hal abuure u wada ahaa Newcastle halka uu daafaca bidix ka dhigay Estupinan oo Brighton xilli ciyaareed wanaagsan la qaatay.

Si lamid ah Carragher, Neville ayaa isaguna saddexdiisa khad dhexe ka dhigay De Bruyne, Rodri iyo Odegaard halka uu saddexdiisa weeraryahan Haaland ku daray da’yarta Arsenal ee Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli.

Shaxda Carra: Alisson; Trippier, Dias, Botman, Zinchenko; Odegaard, Rodri, De Bruyne; Salah, Kane, Haaland

Shaxda Gary: Pope; Trippier, Saliba, Dias, Estupinan; Odegaard, Rodri, De Bruyne; Saka, Haaland, Martinelli

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in aan midkoodna hal ciyaaryahan ka xulan Man United oo haysata suurogalnimada ay Khamiista booska saddexaad ee kala sarreynta ku fadhiisan karto guud ahaana xilli ciyaareed wanaagsan qaadatay.

Previous articleXaqiiqada Haddii Man United Bilawday Wadahadalka Saxeexa Neymar Oo Xog Laga Helay
Next articleChelsea Oo Naxdin Kusoo Dhawaysay Pochettino

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here