Home Warka Xiisaha Leh Gary Neville  oo ammaan kula dul-dhacay xiddig ka tirsan Arsenal

Gary Neville  oo ammaan kula dul-dhacay xiddig ka tirsan Arsenal

0

Halyeyga Manchester United ee Gary Neville  ayaa ammaan kula dul-dhacay xiddig ka tirsan Arsenal oo uu sheegay in uu tababaraha Man City ee Pep Guardiola jeclaan lahaa in uu geysto kooxdiisa, kaddib bandhig cajiib ahaa oo uu ka sameeyey ciyaartii Everton ee Axaddii.

Arsenal ayaa guul cidhiidhi ah kasoo gaadhay Goodison Park kaddib gool uu dhamaadka ciyaarta oo ay 20 daqiiqadood ka hadhsan tahay u dhaliyey Leandro Trossard.

Inkasta oo uu xiddiga Belgium ku guuleystay abaal-marinta xiddigii garoonka, haddana kabtanka kooxda ayuu ahaa laacibka laxanka saaray ciyaarta kooxda afar ka mid ah shanta ciyaarood ee ay dheeleen xilli-ciyaareedkan cusub.

Tababare Mikel Arteta ayaa ciyaarta kaddib waxa uu ammaanta ka xajisan kari waayey kabtanka kooxdiisa ee Martin Odegaard oo uu sheegay in ay hadda ka shaqaynayaan sidii ay heshiis cusub uga saxeexi lahaayeen.

Laakiin Gary Neville ayaa isaguna xusay in haddii ay Arsenal si dhakhso ah meel ugu hubsan weydo mustaaqbalka laacibkan in ay Manchester City isku dayi doonto inay ka xoogto, waxaanu yidhi: “Odegaard wax badan ayaa laga sheegay laakiin marka aad eegto ciyaartoydii kubadda quruxda badan dheelay toddoba ama siddeeddii sannadood ee u dambeeyey Premier League, waxa aan odhan karaa waa David Silva iyo Kevin De Bruyne, isaga ayaa soo raaca.

“Ma lihi Odegaard waxa uu u wanaagsan yahay sida De Bruyne ama Silva, laakiin waa uu gaadhi karayaa heerkooda, waxaanu ciyaarayaa kubbad nadiif ah oo qurux badan.

“Waxay ila tahay, in haddii Pep Guardiola lagu yidhaahdo hal ciyaartoy ka dooro Arsenal, in markiiba uu xulan lahaa Odegaard, sababtoo ah waxa uu boos joogto ah ka heli lahaa Man City, waxaanu ciyaari lahaa kubad qurux badan oo la daawado. Mar kasta oo aan daawado, waa uu kasii fiicnaanayaa sidii hore.”

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah 18-ka September
Next articleCarlo Ancelotti oo ka hadlay kaddib guushii soo laabashada ahayd ee ay ka gaadheen Real Sociedad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here