Home Warka Xiisaha Leh Gary Neville oo daboolka ka qaaday kooxda uu aaminsan yahay inay tahay...

Gary Neville oo daboolka ka qaaday kooxda uu aaminsan yahay inay tahay mida kaliya ee muujisay inay awoodo inay la tartanto Manchester City.

0
Ad

Halyeeyga Manchester United ee Gary Neville ayaa daboolka ka qaaday kooxda uu aaminsan yahay inay tahay mida kaliya ee muujisay inay awoodo inay la tartanto Manchester City.

City ayaa xalay u dabaaldegtay horyaalkeedii saddexaad ee xidhiidh ah Premier League iyo midkeedii shanaad ee lixdii sano ee ugu dambeeyay.

Ad

Sky Blues ayaa xilli ciyaareedkan Premier League tartanka ugu adag kala soo kulmay Arsenal oo badi xilli ciyaareedka hoggaanka soo haysay.

Gary ayaa aaminsan in hal koox oo soo muujisay inay awoodo inay fool-ka-fool ula tartanto Man City tahay kooxda macalin Jurgen Klopp ee Liverpool oo xilli ciyaareedkii 2019-20 kaga soo guuleysatay horyaalka.

Sidoo kale Liverpool ayaa laba horyaal min hal dhibic ugu weyday sababta Man City taas oo muujinaysa adayga tartanka ay lasoo gashay.

Gary ayaa yidhi “Waa inaad haysato tababare cajiib ah iyo saf ciyaartoy cajiib ah si aad u samayso waxa ay City samaysay kooxaha kalena waa inay dhiirigelin ka qaataan midaas”.

“Wakhti xaadirkan halka koox ee muujisay (Inay City la tartami karto) shantii ama lixdii sano ee ugu dambeeyay waa Liverpool”.

“Arsenal xilli ciyaareedkan meel ku dhaw City ayay oroday balse haatan kooxda kaliya ee aan odhan karo way muujisay inay ku dhawaan karto kooxda City ee Pep Guardiola waa kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp”.

City ayaa sidoo kale joogta Finalada FA Cup iyo Champions League oo ay Man United iyo Inter Milan kula ballansan yihiin iyagoo saddexley taariikhi ah isha ku haya.

Previous articleWAR DEG-DEG AH: Tababare Aqbalay Inuu Shaqada Tottenham Qabto Oo Kaga Guuleysanaya Luis Enrique
Next articleQuruxleyda kubadda cagta ee Laura Woods oo garab istaagtay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here