Gavi oo ka hadlay go’ankiisa ku biirista kooxda Chelsea iyo Xiisaha ugu imaanaya

Xiddiga Barcelona Gavi ayaa lagu soo waramayaa inuusan wax xiiso ah u qabin inuu Camp Nou ka tago kuna biiro Chelsea .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa horey u ahaa ciyaaryahan joogta ah oo u ciyaara kooxda iyo wadankiisa isagoo jira da’da 17.

Barcelona ayaa la fahamsan yahay inay ka shaqeyneyso heshiis cusub Gavi, kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo 2023, laakiin Chelsea ayaa lagu xamanayaa inay isku diyaarineyso inay bixiso 42 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa .

Si kastaba ha ahaatee, Sport Witness ayaa ku warameysa in da’yarka uu meesha ka saaray suurtogalnimada uu kaga tagi karo Barcelona, ​​wuxuuna doonayaa inuu ogolaado heshiis cusub oo horumarsan oo uu la galo Blaugrana.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Barcelona ay dooneyso inay qandaraaskiisa cusub geliso €1bn (£841.3m) oo lagu burburin karo qandaraaskiisa, iyadoo Joan Laporta uu filayo inuu Gavi sii joogo Catalonia sannado badan oo soo socda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*