Germany 1-2 Japan: Xulalka Bavaria oo Cashir lama Filaan ah loogu dhigay Furitaankooda Koobka Adduunka

Xulka Germalka Ayaa si lama filaan ah guul-daro ugala kulmay Dalka Japan kulankooda Furitaanka Koobka Adduunka kadib markii looga badiyay 1-2.

si lamid ah Argentin Xulka Germany ayaa hogaanka ciyaarta qabtay daqiiqadii 33aad markaasi oo xidiga Gundogan uu dhaliyay gool rigoore ah oo lagu nastay qeybta hore.

Xulka Japan ayaa qeybta labaad sameeyay isbadal waxana Garoonka soo galay Doan and Asano kuwaasi oo labo gool oo deg deg dhaliyay.

Goolka hore ayaa yimid Daqiiqadii 75aad Xidiga Doan ayaana ka faa’ideestay kubad uu soo celiyay Goolhaya Germalka, 8 Daqiiqo kadib waxaa goolka guusha Raaciyay takuma asano oo ciyaarta ka dhigay 1-2.

Xulalka Waaweyn ee Koobka Adduunka ayaa sanadkan loo yaabaa kadib dhacdadii Argentin ee guudarada kasoo gaadhay Xulka Saudiga.

Shaxda Labada Xul.

Germany XI: Neuer, Muller, Gundogan, Rudiger, Sule, Gnabry, Kimmich, David Raum, Havertz, Nico Schlotterbeck, Jamal Musiala

Subs: Trapp, Gotze, Ter Stegen, Füllkrug, Hofmann, Goretzka, Ginter, Brandt, Günter, Kehrer, Sane, Klostermann, Karim Adeyemi, Bella-Kotchap, Youssoufa Moukoko

Japan XI: Shuichi Gonda, Yoshida, Nagatomo, Sakai, W. Endo, Junya Ito, Ko Itakura, Kamada, Daizen Maeda, Ao Tanaka, Takefusa Kubo

Subs: E. Kawashima, Shibasaki, Daniel Schmidt, Minamino, Asano, Shogo Taniguchi, Ritsu Doan, Tomiyasu, Miki Yamane, Hiroki Ito, Kaoru Mitoma, Hidemasa Morita, Shuto Machino, Ayase Ueda, Yuki Soma

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*