Gianluigi Buffon oo isha ku haya inuu ku soo laabto Italy Koobka Adduunka 2026

Goolhayaha halyeeyga ah ee xulka qaranka Italy Gianluigi Buffon ayaan meesha ka saarin rajada uu ku soo laaban karo ciyaaraha caalamiga ah ee koobka aduunka 2026 .

44-sano jirkaan ayaa sii wada inuu ka ciyaaro Parma oo ka ciyaarta heerka labaad ee kubada cagta Talyaaniga, waana mid ka mid ah magacyada ugu horeeya ee shaxda kooxda xitaa waayihiisii ​​dahabiga ahaa.

Buffon ayaa saftay kulankiisii ​​176-aad iyo kii ugu dambeeyay ee xulkiisa kadib guuldaradii 2/0 ahayd ee ka soo gaartay Argentina bishii March 2018, laakiin xiddigii hore ee Juventus iyo Paris Saint-Germain ayaa isha ku haya in uu ku soo laabto xulka qarankiisa koobka adduunka 2026 waxuu noqondoonaa 48.

Isagoo la hadlayay La Gazzetta dello Sport , ku guuleystay Koobkii Adduunka 2006 ayaa yiri: “Haddii Talyaanigu u soo bixi waayo Koobka Adduunka, waxaa laga yaabaa inaan ciyaaro kuwa xiga.

Buffon ayaa ku soo bilowday 20 kulan oo Seri B ah kooxda Parma xilli ciyaareedka 2021-22, isagoo shabaqiisa ilaashaday todoba kulan, waxaana laga dhaliyay kaliya 22 gool.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*