Home Suuqa Kala iibsiga Giovanni Manna oo xaqiijiyay in xiddiga weerarka uga ciyaara ee Victor Osimhen...

Giovanni Manna oo xaqiijiyay in xiddiga weerarka uga ciyaara ee Victor Osimhen uu markale codsaday in uu isaga tago kooxda

0

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Napoli ee Giovanni Manna ayaa xaqiijiyay in xiddiga weerarka uga ciyaara ee Victor Osimhen uu markale codsaday in uu isaga tago kooxda xilli ay xiiso u qabaan kooxda Chelsea.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa caan ka noqday caalamka ka dib markii uu dhaliyay 26 gool oo horyaalka ah intii lagu jiray ololihii ay Napoli ku guuleysatay Serie A ee 2022-23.

Osimhen xilli ciyaareedkii 2023-24 waxa uu ahaa mid inta badan la ilaawi karo, waxaana xilli ciyaareedkiisa hareereyay khilaaf naadi.

Sidoo kale markii la arkay isaga oo la doodaya tababarihii hore ee Rudi Garcia intii uu xilka hayay, Osimhen waxa kale oo uu naadigiisa uu ku maadeystay qoraalo uusan u meel dayin oo uu baraha bulshada soo dhigay.

25 jirka ayaa ogolaaday heshiis cusub oo uu kula sii joogayo Napoli ilaa xagaaga 2026, inkasta oo kordhintaasi ay ahayd mid ku saabsan ilaalinta qiimihiisa halkii ay muujin lahayd xidhiidh wakhti dheer ah.

Sida ay wax u socdaan, heshiisku wuxuu weli u muuqdaa mid iska daba jiitamaya ilaa maalinta ugu dambeeya ee suuqa xagaaga, kaasoo xirmaya 30ka August.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here