Go’anka Dusan Vlahovic ee Arsenal oo la ogaaday Xili Gunners ay Xiiseeneyso

Weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku degdegin inuu go’aan ka gaaro kooxdiisa  iyadoo ay jiraan soo jeedinta Arsenal ay dooneyso inay la soo wareegto inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Serbia ayaa dhaliyay 18 gool 21 kulan oo uu u saftay kooxdiisa talyaaniga xilli ciyaareedka 2021-22, waxaana la rumeysan yahay in kooxo badan ay xiiseynayaan saxiixiisa.

Arsenal ayaa la sheegay inay hogaanka u hayso safka 21-sano jirkaan, waxaana tababaraha Gunners Mikel Arteta uu dhawaan diiday inuu meesha ka saaro inuu u dhaqaaqayo bartamaha xilli ciyaareedka.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay 90min , Vlahovic wuxuu diyaar u yahay inuu sugo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka si uu go’aan uga gaaro mustaqbalkiisa.

Weeraryahanka, oo galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa Stadio Artemio Franchi, ayaa sidoo kale loo maleynayaa inay xiiseynayaan Tottenham Hotspur , Juventus , Manchester United iyo Manchester City .

Vlahovic ayaa dhaliyay 47 gool waxaana loo diwangeliyay todobo caawin 105 kulan oo uu u saftay Fiorentina tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Partizan bishii July 2018.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*