Go’anka Tabaraha Xulka Portugal iyo Kibirka Ronaldo dood ku aadan oo Baraha Bulshada ka Qaraxday

Dad badan ayay lama filaan ku noqotay in tabaraha Portugal uu keydka dhigo Rugcadaaga Kubada Caalamka ee Ronaldo.

Kulankii ugu danbeeyay ee Xulka Portugal waxaa hareeyay falcelin uu sameeyay Ronaldo oo ku aadan badalkii lagu sameeyay xidigan.

Tabaraha Xulka Fernando Santos ayaa Shalay qabtay shir jaraa’id uu kaga hadlay hab dhaqanka xidigan isagoo sheegay inuusan jecleysan.

Ronlado ayaa dhacdadaasi ka hadlay isagoo ku tilmaamay inuu ka carooday mid kamid ah Xidigaha Xulka kasoo horjeeda lakin sheekadaasi ma caawin.

Waxaa goor dhow lasoo saaray Shaxda Xulka Portugal iyadoo Kuraasta lagu arkay Magaca Ronaldo oo keydka lagu soo bilaabay.

Durba waxaa dood ka qaraxday Baraha Bulshada iyadoo Dadka xoogooda taageeray Go’anka Macalinka oo lama filaan ku noqotay aduunka.

Dadka qaar ayaa taageerayay xidigan madama uu yahay laf dhabarta Xulka, Dadka qaarkood ayaa ku soo qoraya waxa uu eersaday waa kibirkiisa.

Adiga Maxay kula tahay Fakarkaga, Facebook ama Qeybta hose noogu qor

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*