Gool Dhalinta Horyaalka Spain La Liga iyo Qaabka loo kala horeeyo

Photo by GABRIEL BOUYS/AFP via Getty Images)

Gool dhalinta horyaalka La Liga ayaa meel xiiso leh maraysa kadib todobaadkii 19-aad ee la ciyaaray horyaalka Iyada oo xiddigo badan isku baacsanayaan.

Kadib markii uu si xun ku biowday xilli ciyaareedka Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ugu dambayn ku soo laabtay booskii looga bartay ee kaalinta 1-aad ee gool dhalinta.

Lionel Messi ayaa laba gool dhaliyay kulankii ay kooxdiisu guusha 4/0 ka gaadhay kooxda Granada kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Messi ayaa hal gool ka horeeya xiddiga kooxda Villarreal ee Gerard Moreno Kaas oo leh 10 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka horyaalka La Liga.

Xiddigaha Iago Aspas iyo Luis Suarez ayaa dhankooda isku goolal ah iyaga oo ilaa haatan wada dhaliyay min 9 gool horyaalka La Liga.

Ogow Suarez ayaa hogaanka qaban kara madama kooxdiisa aysan ciyaarin dhoor kulan

No Xiddiga Kooxda Xulka Goolasha
1. Lionel Messi Barcelona Argentina 11
2. Gerard Moreno Villarreal Spain 10
3. Iago Aspas Celta Vigo Spain 9
4. Luis Suárez Atlético Madrid Uruguay 9
5. Karim Benzema Real Madrid France 8
6, Youssef En-Nesyri Sevilla Morocco 8

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*