Goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa heshiis la gaadhay kooxdaas isagoo kordhin doona qandaraaskiisa lana filayo in dhawaan lasoo bandhigo.
32 sano jirkaas ayuu heshiiskiisa haatan yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka dambe, qaab ciyaareedkiisa ayaa ahaa mid isku dhafan xilli ciyaareedkan, ma jiro gool haye ilaashaday shabaqiisa Premier League in ka badan isaga balse qaladaad badan ayuu shaqsiyan sameeyay.
Qaladkii ugu dambeeyay ee De Gea sameeyay ayaa guuldarro xilli ciyaareedkooda saamayn karta ku sababay Axadii markii ay West Ham 1-0 uga soo adkaatay.
Erik Ten Hag ayaa kulanka kaddib si cadaan ah u sheegay inay heshiis cusub ka saxeexanayaan De Gea doonayaana inuu kooxda sii joogo.
Wargeyska The Telegraph ayaa sheegaya in macalinka Dutch-ka ahi marka laga yimaado heshiis kordhintan uusan booska dookha koowaad ee goolhayaha u ballanqaadin David xilli ciyaareedka dambe.
Man United ayaa sanadkii ay dookha u haysatay inay kordhiso heshiiska De Gea aan kordhin maadaama oo ay doonayeen inuu dhimo mushaharkiisa 350,00 ah toddobaadkii, De Gea ayaa mushaharkaas ku bedeshay qandaraas wakhti ahaan ka dheer midkiisii hore.