Goolhayaha Manchester City ee Ederson oo laga saaray xulka Brazil

Goolhayaha kooxda Manchester City Ederson ayaa isaga baxay shaxda xulka qaranka Brazil .

28-sano jirkaan ayaa loo xushay ciyaaraha isreebreebka Koobka Adduunka 2022 ee soo socda, halkaasoo xulku ay wajihi doonaan Chile iyo Bolivia si ay ugu soo gebagebeeyaan guruubkooda, laakiin markan kama qayb qaadan doono.

“Kooxda inteeda kale ayaa gaaray Teresopolis Talaadadan, marka laga reebo goolhaye Everson , oo loogu yeeray inuu bedelo booska Ederson. Ciyaaryahanka Atletico-MG ayaa ku biiraya kooxda Brazil ee Rio de Janeiro, Arbacada,” FA Brazil ayaa shaaca ka qaaday.

Xiddiga Premier League ayaa xanuun qabay, waana sababta go’aan looga gaaray in la beddelo, iyadoo khatarta aan loo qaadin inuu maqnaan karo.

Brazil ayaa horay ugu soo baxday koobka aduunka 2022 ee ka dhacaya Qatar, si kastaba ha ahaatee, waxay fursad u heystaan ​​inay ku guuleystaan ​​group-ka kulamada soo socda, iyadoo Argentina ay weli ku loolamayaan inay ku soo baxaan kaalinta koowaad.

Ederson ayaa ku biiray dhowr asxaabtiisa ah kuwaas oo ka baxay matalida dalkooda ee fasaxa caalamiga ah, iyadoo Gabriel Jesus , Kyle Walker iyo Kevin De Bruyne ay dhamaantood qarka u saaran yihiin inay nastaan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*