Wojciech Szczesny ayaa ku andacoonaya inay tahay ‘ixtiraam darro’ haddii uu doorto inuu ka fariisto ciyaaraha oo uusan ku biirin Barcelona.
Kooxda reer Spain ayaa lagu qasbay inay sameyso saxiix degdeg ah ka dib markii goolhaye Marc-Andre ter Stegen uu dhaawac soo gaadhay Kulankii Axadii ee Villrreal.
Ter Stegen ayaa maray qaliin, waxaana uu haatan garoomada ka maqnaan doonaa muddo aad u dheer.
Szczesny ayaa ku dhawaaqay go’aanka uu kaga fariisanayo ciyaaraha bishii August laakiin 34-sano jirkaan ayaa haatan lagu wadaa in uu gaaro Barcelona Khamiista si uu tijaabada caafimaadka u maro ka hor inta uusan u saxiixin heshiis waqti gaaban ah.
“Ixtiraam badan ayaan u hayaa taariikhda Barca, waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka,” ayuu yiri Szczesny.
“Waan fahansanahay xaalada adag ee ku soo korortay iyaga ka dib dhaawacii Marc-Andre Ter Stegen, waxaana u maleynayaa inay ixtiraam darro igu tahay inaan tixgelin waayo dookha”.