Madaxda ugu sareysa Manchester United ayaa ku kulmi doona magaalada London maalinta Talaadada oo ah labo maalmood ka dib marka ay Man United la ciyaarto Aston Villa.
Mustaqbalka Erik ten Hag ayaa ah waxa ugu weyn ay ka hadli doonaan, iyadoo la filayo inay ceyrintiisa ansixiyaan haddii uu natiijo xun kala kulmo Aston Villa oo marti loogu yahay Villa Park.
Erik ten Hag ayaa xilli ciyaareedka ku bilowday si xun iyadoo Manchester United ay badisay kaliya seddex ka mid ah 10kii kulan ee ay ciyaareen tartamada oo dhan.
Tababaraha reer Holland ayaa badiyay kaliya lix kulan oo ka mid ah 20kii kulan ee ugu danbeeyay Premier League ee ay marti noqdeen iyo hal kulan oo ka mid ah 10 kulan oo ay ciyaareen tartamada Yurub iyagoo marti ah taasoo ka dhigeysa mustaqbalkiisa mid uu mugdi ku jiro.
Haddii United ay marto wadadii Bayern Munich oo ay ku kufto Villa Park waxay xaqiijin kartaa in Ten Hag shaqada laga ceyriyo.
The Athletic ayaa sheegtay in dhamaan madaxda maamulka Manchester United ay ku balansan yihiin shir guud oo ka dhacaya magaalada London maalinta Talaadada iyadoo Ten Hag uu ka mid yahay qodobada shirkaas looga hadlayo.
Sir Jim Ratcliffe oo iska leh saamiga boqolkiiba 28 ee kooxda Manchester United ayaa shirkaas xaadiri doono si la mid ah Joel Glazer oo isna ka mid ah milkiilayaasha kooxda isagoo aan inta badan xaadirin kulamada kooxda.